U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka.
Dastuurka KMG ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah u leh dhameystirkiisu, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay.
Ra’iisul Wasaaaha ayaa tilmaamay in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka.
Ra’iisul Wasaaraha oo is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaas oo u baahan wada-xaajood siyaasadeed, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlaha horyaalla.
Mudane Xamse ayaa sheegay in 5 kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha hoose, Federaaleynta Garsoorka, qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Federaaleynta Maaliyadda.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howlgalaan masuuliyaddii loo igmaday, isla markaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga.
Goobjoog News