U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ku Baaqay in Laga Wada Shaqeeyo Amniga Caasimadda

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii birmo-geydada ahayd ee ku dhimatay shilalkii ka dhacay Caasimadda ee ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah askarta dowladda, waxa uuna sheegay in dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha.
Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ay ka soo hoyeen xoreynta deegaannada aymuddo ku sugnaayeen Al-shabaab oo laga saaray.
Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si guud shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midmino, amni iyo wadajir bulsho in laga wada shaqeeyo, isagoo ummadda Soomaaliyeed u duceeyay, Allaahna uga baryay in colaadda uu ugu beddelo nabad, xilli uu hadlayay Salaadii kadib Jimcaha.
Goobjoog News