U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya AUN Nuur Cadde oo lagu Aasay London

Sheeko:Amniga

Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) waxa uu magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Kowdii bishaan April.

Dabayaqadii bishii Maarso ayuu soo ritay cudurka Coronavirus markii uu isku arkay calaamadaha cudurka ayuu tagay Isbitaalka King ee London oo ay ugu dambeyn geeridu ku haleeshay.

Wuxuu dhashay 1938 nus qarno ka badan ayuu ka soo shaqaynayay hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya oo uu ka gaaray ilaa heer Ra’iisul Wasaare.

Waxaa uu sidoolale ka  soo shaqeeyay hey’adda kheyriga ah ee bisha  cas qeybteeda Soomaaliya.

Alaha u naxariistee Madaxweynihii dowladii KMG aheyd Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa bishii November 2007 u magacaabay Ra’isul Wasaare, wuxuuna xilkaasi hayay ilaa February 2009 kii, waxaa lagu xasuustii kaalintii dib u heshiisiineed ee uu ka qaatay wadahadaladii Xukuumadiisii xiligaa iyo Isbahaysigii dib u xoreynta ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wadahaladaasi oo ugu dambeyn lagu dhisay dowlad wadaag ah.

Alaha u naxariistee magaalada London ayaa lagu aasay galinkii danbe ee shalay saacadu markii ay aheed 4:00pm xiliga Muqdisho 2:00pm xiliga London.

Goobjoog News