U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo Dood Ka Keenay Isku Ekaanshiyaha Doorashada 2022 iyo 2004?

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay meelo ay isaga egyihiin doorashada baarlamaanka ee hadda socota iyo doorashadii 2004-tii isaga oo intaa raaciyey in gaboodfalada ka dhacay horseedi karaa arrimo cabsi leh.

Mudane Cumar Cabdirashiid oo arrinkan ka hadalaya waxaa uu yiri “Doorashada baarlamaanka 2022-ka waxaa ay meelo badan uga egtahay  doorashadii 2004-tii, xagga qaabka loo maray iyo xataa muddada. Haddii ka falcelinta ay noqotay soo bixitaankii maxaakiimta Islaamiga aheyd, maxay horseedi karaan tacadiyada sharaci darrada ah ee  dhacay haddii aan wax laga qaban khadarteeda”.

Doorashada baarlamaanka ee hadda socota ayaa ah muddo socotay 6 bil, waxaana kasii horeysay doorashada ooba sanad dib u dhacday, arrimahan oo ay wehliso xulashada iyo gaboodfallada dhacay ayaa waxaa muuqata in aan la saadaalin Karin waqtiga soo socda.

Goobjoog News