U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasare Kheyre Oo Shaqadii Ka Joojiyey Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxa uu shaqo joojin ku sameyey wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

C/raxmaan Yuusuf Alcadaalla, agaasimaha wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta u akhriyey wareegtada shaqada looga joojiyey wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda.

“ Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka,markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

4-tii bishan, ciidamo Booliis ah ayaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ku weeraray xafiiskiisa iyadoo buuq halkaasi ka dhashay ugu dambeyn la xalliyey.

Goobjoog News