U bood dhigaalka

Ra’iisulsaare Xamse oo Gaaray Aadan Yabaal, Isaga oo Ku Dhawaaqay Dardargelinta Dagaalka A-shabaab

Sheeko:Amniga
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay madaxweynaha Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan ciidan dowaladda, kuwa deegaanka iyo bulshada ku nool degmada.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay meel fagaare ah oo ku taal degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah 1) in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naftiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo 2) in lagu badbaadinayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.
Xamse waxaa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab inta a laga suuliyo dalka, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo sharaf sida uu hadalka u dhigay,  Degmada Aadan Yabaal oo dhowaan  laga xorreeyay toddobaad ka hor, ayuu ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed.
Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA ay gaarsiineyso dadweynaha Aadan yabaal cunto loogu talagalay 4000 oo qoys iyo daawooyin, isla markaana dib loo hawlgelin doono goobihii waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Aadan Yabaal.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay degmada Aadan Yabaal oo toddobaadkii hore laga xorreeyay kooxaha Khawaariijta, ayaa waxa ku dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiinta deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.
May be an image of 6 people, people standing, military uniform and outdoorsGoobjoog News