Ra’iisal wasaaraha dowladda Ingiriiska, ayaa shaaciey inuu ka dagay xilka ra’iisal wasaarenimo iyo hoggoomintii xisbiga Conservative-ka, oo ka tirsanaa, kadib fadeexad hareysay xukuumaddiisa oo keentay in ay iscasilaan wasiirro ka tirsanaa.
Boris Johnson, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyey cadaadis uu uga imanayey xubnaha xisbigiisa ee Conservative-ka, tani waxaa ay dhaba u xaareysa doorashada ra’iisul wasaare cusub, Boris Johnson ayaana u mahadceliyay shacabka guud ee UK.
“Waa ay cadahay rabitaanka xildhibaanada Conservative-ka ee ah in xisbiga uu helo hoggaamiye cusub, sidaa darteedna ra’iisul wasaare cusub,” ayuu yiri Johnson isaga oo ka hadlaya banaanka xafiiska 10 Downing Street, kadib iscasilaadiisa.
“Is-casilaaddiisa waxay aheyd mid aan la huri doonin,” waxaa sidaas yiri Justin Tomlinson oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga oo qoraal soo dhigay twitter-ka, Xisbi ahaan waa inaan si deg deg ah u midownaa oo diiraddana aan saarnaa waxa muhiimka ah.
Tan iyo waaberigii maanta waxaa sii kordhay cadaadiska lagu saarayo inuu Johnson banneeyo xafiiska raysul wasaaraha. Waxaa 24 saac gudahood isugu xigxigsaday tiro is-casilaad ah. Xoghayihii Waqooyiga Ireland Brandon Lewis ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee subaxnimadii iscasila, isagoo sheegay in arrimuhu ay dhaafeen heer wax laga qaban karo.
Goobjoog News