U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha Ingiriiska oo lagu soo rogay ganaax cusub

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa lagu soo rogay ganaax, kadib markii uu soo duubay muuqaal uu saarnaa gaari isaga oo aan xirneyn suunka badbaada.

Sunak ayaa raalli gelin ka bixiyay falkii uu ku kacay, waxaana uu sheegay xafiiskiisa in uu bixin doono ganaaxa lagu soo rogay.

Ra’iisulwasaaraha ayaa loo haystaa in uu ku xadgudbay ixtiraamka sharciga dalka, markii uu soo dhigay baraha bulshada muuqaalka uu iska duubay.

Dadka rakaabka ah ayaa haddii la qabto iyaga oo aan xirneyn suunka badbaada ah waxaa lagu ganaaxa lacag dhan 100 gini, iyadoo haddii qofka maxakmadda uu ka soo hor muuqdo lagu ganaaxo lacag dhan 500 gini, waana markii labaad ee uu muteysto Sunak ganaax.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxaa ganaax lagu soo rogay isaga iyo Boris Johnson iyo xaaskiisa Carrie jabinta kadib markii ay jebiyeen xeerarka ka hortagga Covid-19 – iyagoo ka qeyb galay xaflad dhalasho aheyd oo loogu talagalay Ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Downing Street bishii Juun 2020.

Goobjoog News