U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaaraha News Zealand oo shaacisay waqtiga ay xafiiska baneeyneyso

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha dalka News Zealand ayaa sheegtay in horaanta bisha soo socota ee February ay baneeyneyso xafiiska ra’iisulwasaaraha dalkaas.

Jacinda Ardern ayaa shaacisay in aysan hadda haysanin awood ay ku hoggaamiso dalka New Zealand, ayna xafiiska ka tagi doonto.

7-febraayo ayay ka tagaysa hoggaanka xisbigeeda shaqaalaha, taas oo ay shaacisay in go’aankaas ay qaadatay fasaxeedii xagaaga kadib.

“Waxa aan rajaynayay in aan helo waxa aan u baahnaa in aan ku sii wado muddadaas, laakiin, nasiib darro, ma helin,” ayay u sheegtay wariyaasha..

Jacinda ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii markii loo dhaariyay xafiiska waxaa dalkeeda soo maray dhibaatooyin ay kamid yihiin caabuqa COVID-19, kaas oo dalkeeda si wayn u saameyay, Weerarkii muslimiinta badan lagu dilay xilli ay ku jireen gudaha masjid ku yaalla magaalada Christchurch iyo folkaanooyin ka dhacay jasiiradaha dalkeeda.

“Kow waa inaad dalkaaga hoggaamiso wakhtiga nabadda, iyo wakhtiga dhibaato,” ayay tiri Jacinda.

Goobjoog News