U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Kheyre oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ra’iisulwasaarihii Hore

Sheeko:Caafimaadka

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa  u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Allah u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka, Xasan Abshir Faarax.

”Waxaan tacsi u dirayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.”

Marxuum, Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2003, waxaana  sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan.

Goobjoog News