U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Kheyre oo Magacaabay Guddiga Diyaarinta Aaska Ra’iisulwasaarihii Hore

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddiga diyaarinta aaska ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax, kaas oo maalinimadii shalay ku geeriyooday wadanka Tukiga, oo maalmihii dambe uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaallo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiyaha u ah ra’iisulwasaaraha ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana ay diyaarin doonaan aaska ra’iisulwasaarihii hore ee dalka oo la filayo in lagu aaso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

                                              Halkaan ka Akhriso Liiska Magacyada

 

1- Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS :Guddoomiye.
2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa :Xubin.
3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta : Xubin
4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha :Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada :Xubin
6. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada : Xubin
7. Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka :Xubin.
8. Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka :Xubin.
9. Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda : Xubin

Allah unaxariistee ra’iisalwasaarihii dalka Xasan Abshir Faarax,  ayaa waxaa uu ku geeriyooday dalka turkiga maalinimadii shalay, marxuumka ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa isbitaalka ku yaallo Istanbuul.

Goobjoog News