U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Dalka Guddoomiyay Shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka caddaaladda iyo garsoorka madaxa bannaan oo looga hadlay qaabkii caddaalad iyo garsoor loo gaarsiin lahaa goobaha laga xorreeyey Al-shabaab.
Kulanka ayaa warbixinno looga dheggaystay hay’adaha ka tirsan tiirka caddaaladda iyo garsoorka. Wasaaradda caddaaladda ayaa soo bandhigtay qorshaha adeeg garsoor oo deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaanadii dhawaan ciidanka dowladda iyo dadka deegaanku ay kala wareegeen Al-shabaab ee gobollada qaarkood.
Sido kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa soo bandhigay hannaankii ay uga hawl gali lahaayeen deegaanada laga saaray xogagga Al-shabaab , Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqal Insaanka ayaa dhinaceeda soo gudbisay warbixin ku saabsan guddiga xuquuqal insaanka.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda ee deegaannada cadowga laga saaray sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimmka u ah dadka deegaanka isla markaana looga hirgalin lahaa maamul iyo kala danbayn.
Goobjoog News