U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Dalka oo Daahfuray Barnaamij ay Maalgalinayaan Maraykanka iyo Britain

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay barnaamijka taageerada dadka jilicsan ee abaaruhu samaayeen, kaas oo ay maalgalinayaan dowladaha Maraykanka iyo Britain oo lagu abuurayo shaqooyin dadka kasoo barakacay abaaraha.
Mashruucan oo socon doona muddo 5 sanno ah, waxaa ujeedkiisu yahay in la hormariyo nolosha dadka nugul ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka iyadoo sare loo qaadayo koboca dhaqaalaha bulshadada Soomaaliyeed ee danyarta ah. Mashruuca waxaa maal-gelinaya heyadaha USAID iyo UKAID, waxuuna ka koobanyahay, Awoodsiinta iyo taageerada dhallinyarada, Dhiirrigelinta wax soosaarka gudaha, Kobcinta dhaqaalaha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in maashruucan wax-wayn tari doono bulshada nugul ee Soomaaliyeed, sidaa darted loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, si shan sanno kadib ay uga maarmi karaan hay’adaha taakuleeya oo ayna gaaraan isku filnaansho ay sare ugu qaadi karaan waxsoosaarkoda.
Waxa daah-furka barnaamijkan ka qayb galay Wasiiradda Qorshaynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Safiirka Maraykanka, Safiir ku Xigeenka Britain iyo madaxa Hay’adda USAID.
Goobjoog News