U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble oo Cambaareeyay Weerarkii Madaafiicda ahaa Villa Hargeysa Lagu Tuuray

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu cambaarayay weerarkii Hoobiyeyaasha ahaa ee maanta lagu qaaday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, xilli uu socday fadhi wadajir ah oo labada gole ee Baarlamaanku ay lahaayeen, waxaana qoraal kasoo baxay lagu yiri.
Halkaan ka akhriso qoraalkiisa
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.
Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato.
Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.
Ra’iisul Wasaaruha oo bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.
Goobjoog News