U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble oo Hambalyeeyay Xildhibaannada Ceelwaaq Lagu Soo Doortay

Sheeko:War

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo waxuu u diray xildhibannada lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, oo maanta lagu soo gabagabeeyay doorashada 16-ka kursi ee Baarlamaanka 11-aad ku matalaysa gobolka oo maalinimadii shalay la godo galay.

“Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo, Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday” ayaa lagu yiri qoraal uu soo dhigay.
Hambalyada Ra’iisulwasaaha  ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo maanta Magaalada Ceelwaaq ee gobbolka Gedo lagu soo gabagabeeyay doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo, kuwaas doorashadooda la bilaabay shalay oo guddiga doorashadu qabatay dooorashada 11 kursi, halka maanata oo sabti ah la doortay 5-tii ugu dambeeyay.
Goobjoog News