U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble oo Hambalyo u Diray Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Roonle ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka oo maanta u dabaaldagay 62 sano guuradii kasoo wareegtay markii la’aasaasay, walow uusan tagin wasaaradda Gaashaandhigga oo  ay ka dhacday munaasabadda ciidanku ay dhigteen uu joogay halkaas Farmaajo.

Halkaan Ka Akhriso hambalyada Rooble.

Waxaan ugu hambalyeynayaa sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda sanad guurada 62aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay CXDS.

Ciidanka Xoogga Dalku waa astaanta qaranka ee geesnimada iyo nafhurnimada, waana kuwa habeen iyo maalin dhaxanta iyo kuleylaha u taagan, dhiiggoodana u daadiya in ay dalka iyo dadkaba ka difaacaan cadowga gudaha iyo dibadda.

Ciidanka Xoogga Dalka waxaan ku bogaadinayaa howsha adag ee uu qaranka u hayo waxaanna u rajeynayaa guulo joogto ah, anigoo ku boorrinaya in uu sii laba jibbaaro dadaalka difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada.

Goobjoog News