U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble oo Isugu Yeeray Hey’adaha Amniga Guddina Magacaabay

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana uu  faray in baaritaanno lagu sameeyo weerarradii Muqdisho iyo Baladweyne ka kala dhacay .

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa taliyeyaasha xoogga iyo booliiska Odaa Yuusuf iyo Cabdi Xasan Xijaar, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray amniga doorashooyinka iyo garoonka Aadan Cadde oo dhowaan weerar lagu qaaday, waxaana ugu dambayn la saaray guddi ka kooban taliska ciidanka, AMISOM iyo xubno wasiirro ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa tilmaamay in shirka sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga doorashooyinka oo heer gabagabo ah maraya, waxaana wali dhiman laba maamul goboleed, kuwaas oo aan wali soo dhammaynin doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Dhanka kale wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM Danjire Fransisco Madiera, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin weerarradii  ugu  dambeeyay ee Muqdisho iyo Baladweyne ka dhacay, isagoo sheegay in guddiga wadajirka ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ay isla berriba howl bilaabi doonaan.

Goobjoog News