U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble oo Qaabilay Safiirka Dowladda Masar

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dal Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz, iyaga oo kawada hadlay xiriirka labada dal ee soo jireenka ahaa, xilli Soomaaliya ay yeelatay madaxweyne cusub.

Labada mas’uul ayaa aad uga hadlay iskaashiga labada dal iyo taageerada dhanka waxbarashada iyo caafimaadka oo Masar ay ka taageerto Soomaaliya, maadama sanad waliba arday dalkaas ay ka helaan minxooyin waxbarasho, waxaana kulanka lagu soo qaaday sidii dowladda Masar ay u kordhin laheyd.

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulanka uu la qaatay safiirka waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo danjirayaashu ay dalka soo gaarayaan si ay ula kulmaan madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federalka mudane Xasan Shiikh oo 15-kii bishaan loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda.

Goobjoog News