U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa oo gaaray Baladweyne

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa gaaraay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Mudane Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Socdaalka Ra’iisulwasaaraha ayaa u jeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalka Hiiraan.

Ra’iisulwasaaraha ayaa socdaalkaan uu u noqonayaa sidoo kale midkii labaad ee uu ku tago magaalada Baladweyne muddo laba bil gudaheed ah.

Goobjoog News