U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa oo gaaray Jigjiga

Sheeko:War

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee Wiil Waal ee magaalada Jigjiga.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa madaarka ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Musta Muxumed Cumar Cagjar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Jigjiga madaxda dowlad deegaanka kala hadli doono sidii la isaga kaashan lahaa howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Dowlad deegaanka ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay dagaallo ay ku dhex marayeen ururka alshabaab iyo ciidamada dowlad deegaanka.

Goobjoog News