U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa oo Golaha Shacabka Hortagayo

Sheeko:Amniga

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah la isugu yeeray in ay soo xaadiraan kulan ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa.

Mudanayaasha ayaa loo diray shalay farriimo ku aaddan in ay yimaadaan kulanka oo  ka qabsoomaya xaruntooda ay sida kumeel gaarka ah u dagana yihiin ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa ah codsi xildhibaannada uga yimid ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad u jeedinaya xildhibaannada.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ra’iisulwasaaraha uu berri xildhibaannada ka codsanayo muddo dheeri ah in la siiyo, maadama ay dhamaatay 30- cisho oo uu xaq u lahaa in uu xukuumad ku soo dhiso.

Ra’iisulwasaaraha ayaa xildhibaannada ka dalban doono in muddo 10 maalmood ah loogu daro in uu ku soo magacaabo xukuumad cusub.

Fariinta xildhibaannada loo diray 

Beri oo isniin ah, taariikhdu tahay 25 July waxaa jira kulanweynihii Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka Codsi ka yimid Xafiiska R/Wasaaraha XFS

Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa
Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo

Goobjoog News