U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo James Swan oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxaana diiradda lagu saaray kulankooda arrimo dhowr ah, kuwaas oo quseeya xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo Abaaraha.
Wakiilka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha dhowaan dowladdu la wareegtay.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay, iyadoo kulankooda uu kusoo aadayo xilli dalka uu ku jiro xaalad dagaal, dadkuna ay sidoo kale wajahayaan saameynta baahsan ee ka dhalatay abaaraha ku dhuftay dalka, taas oo laga muujiyay cabsi ku aadan heer macluul gaari karta.
James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan, kuwaas oo lagu mahadcelyay xaaladihii kusoo shaqeeyay iyo dadaalladii uu ka geystay xaaladaha kale duwan ee ka jiray Soomaaliya oo la tilmaamay inuu door muuqdo ku lahaa marar badan.
Goobjoog News