U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Safiirka Imaaraadka oo Kulmay

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcusmaani oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, kaas oo dhowaan dib u soo laabtay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageeridda Dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Imaaraadka Carabta,iyadoo ay xusid mudan tahay in Imaaraadku tahay dowlaha gurmadka ka qeyb qaadanaya .
 Safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhawaynta qiimaha badan, isagoo sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhinacyo kala duwan sida, gurmadka abaaraha, amniga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Dowladda Imaaraad Carabta ayaa horay ugu ballan qaaday dowladda federalka Soomaaliya uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud in ay ka taageeri doonto gurmadka abaaraaha, iyadoo Muqdisho uu soo gaaray Markab siday 1000 tan oo cunto kale duwan oo ka yimid Imaaraadka oo loogu talo galay abaaraha.
Goobjoog News