U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Safiirka Midowga Yurub oo Kulmay

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa waxaa uu ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann, kadib dhowaan markii Xamse si toos ah u shaqo bilaabay.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh Dowladda, oo dhinacyo badan uu ka taageero midowga.

Kulanka safiirka midowga Yurub Tiina Intelmann ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan, taas oo siweyn u saameysay dadka iyo duunyada, dowladda federalka ayaa caalamka ka dalbatay in loo gurmado dadka abaareysan.

Goobjoog News