U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Safiirka UK oo Kulmay

Sheeko:Amniga
Ra’iisulwasaaraha xikuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster, iyaga ay  kawada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Ra’iisulwasaaraha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday dardar-galinta barnaamijyadda horumarineed ee dowladda Britain ka tageerto Soomaaliya ee leh dhinacyada kala duwan sida gargaarka iyo amniga, xilligaan ay jiraan abaaraha.
Dowladda Britain ayaa kamid ah dowladdaha soomaaliya caawiya kana taageera dagaalka ka  dhanka ah  Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale ay kamid tahay dowladaha dhanka dhaqaalaha iyo tabarada ciidanka ka taageera dowladda federalka.
Goobjoog News