U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, oo uu kaga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Shaati Gaduud Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo gaaray.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada.
Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Goobjoog News