U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Baladweyne

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii qaraxyada ahaa ee  ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo , kaas oo waxyeello badan ka dhalatay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray in Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee dowladdu gurmad deg-deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxyada, waxaana qaraxyadii maanta ku dhintay in ka badan 10 ruux iyo 30-kale.
“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan mid looga hari doono” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Mudane Xamse ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab, kaas oo ka socdo qeybo badan  oo dalka, Hiiraan ayaa in meelo badan laga saaray.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allah uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.
Goobjoog News.