U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Dhallinyarada Ugu Baaqay Ka Qeybgalka Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka daah-furay ololaha Qaran ee doorka Dhallinyarada Soomaaliyeed  ee dib-u-xoreynta dalka , kadib munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u xilsaaran jiheynta, abaabulka, iyo ka faa’iideysiga awoodda caabboon ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ra’iisulwasaraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhallinyarada ay qaataan  doorkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee dowladda federalka madaxdeeda sare ay ku dhawaaqeen, iyadoo ay jiraan dhallinyaro iyo waxgarad iskood isu abaabulay oo ka barbar dagaalamaya ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka wada gobollada Hiiraan, Bay iyo Galgaduud.
Xamse Cabdi Barre ayaa dhanka kale xusay n hormar waliba ee bulshada uu ku xiran yahay in amni la helo, isaga oo intaas raaciyay in dowladda hadafkeeda koowaad uu yahay Al-shabaab in laga saaro dalka sida uu hadalka uu u dhigay, dowladda federalka ahna ay taageerayso cid waliba oo diyaar u ah in ay dagaal la gasho Al-shabaab oo deegaanno badan ku sugan.
“Xukuumadda Dan-qaran, dhammaan hey’adaha dowladda waxaa ay u darban yihiin oo ay u taagan yihiin oo ay u diyaar garoobeen, oo ay u jiheysteen in Jihaadkaas laga qeyb qaato, dadka ugu muhiimsan ee garbaha u ah ee lugaha u ah, ee xoolaha u ah, ee maskaxda u ah waa laba Group oo bulshada kamid ah, Hooyada ama Gabadha Soomaaliyeed iyo dhallinyada waaye, dhallinyarooy mustaqbalkaagu  waxaa uu ku jiraa, haddii aad rabto inuu madoobaado oo sidaan iska sii ahaado halkaan ayaad iska fadhin, haddii kale  dalka aan xoreysano, marka aan xoreysanno Soomalaiya dunida dhan ayaa soo aadeysa, barwaaqadii adduunkaa ka dhaceysa, dalkeenana waa uu hormarihadda” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamse.
Hadalka kasoo baay Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dowladda federalka ah ay sheegtay in dagaal ay la galayso Al-shabaab, ayaa waxaa soo badanayay dhallinyada ku sugan deegaannada kale duwan ee ciidanka dowladda ka barbar dagaalamaya, kuwaas oo ku sugan deegaanno kale duwan oo dalka uu ka bilowday kacdoon ka dhan ah Al-shabaab.
Goobjoog News