U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Gaaray Magaalada Baladweyne iyo Ujeedka Safarkiisa

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray  magaalada Beledweyne,  halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed  Xagar, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.
 Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka dhanka ah Al-shabaab oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan Hiiraaniyo sidii loo dardar gelin lahaahowlaha gurmadka, waxaa magaalada Beledweyne Horey ugu sii sugnaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.
Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xamse ku yimaado magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay, taasi oo muujineysa ahmiyadda iyo mudnaanta uu Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisu siineyso dagaalka ciidanka dowladda ay kula jiraan Al-shabaab, waxaana uu sheegay ion dib loo dhisayo goobihii ku burburay qaraxyadii ka dhacay Baladweyne.
Ra’iisulwasaare Xamse ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu ku sugnaa dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana uu kulan la qaatay madaxweyne Mustafe Maxamed Cagjar uu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la iska kaashto la dagaalanka Al-shabaab, iyadoo shalay laba qarax oo ka dhacay Hiiraan ay geysteen khasaare kale duwan iyo burburka Buundadii Buulo Burde.
Goobjoog News