U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddiga u Magacaabay Tirakoobka Khasaaraha Qaraxyadii Soobe

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka loo samaynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dahacay Isgoyska Soobe, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac baahsan oo soo gaaray dad shacab u badanaa.
Guddigaan la magacaabay ayaa waxaa ku jira qaar kamid ah golaha wasiirrada Soomaaliya, sida wasiirrada  Caafimaadka, Caafimaadka, Haweenka iyo Wasiirudowlaha Madaxtooyada Qaranka, guddigaan ayaa ka shaqeyn doona la socodka guud ahaan khasaarihii kale duwanaa ee ka dhashay waxyeellada qaraxyadii dhacay.
Halkaan Ka Akhriso:
1. Dr. Cali Xaaji Aadan Guddoomiye
2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Xubin
3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Xubin
4. Daa’uud Aweys Jaamac. Xubin
5. Khadiijo Maxamed Diiriye Xubin
6. Abshir Maxamed Axmed Xubin
7. Xirsi Jaamac Gaani Xubin
8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Xubin
9. Maxamuud Macallin Cabdulle Xubin
10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Xogheyn
Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:
1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka.
Qaraxyadaan oo ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn wasaaradda caafimaadka xukuumadda fedralka Soomaaliya ayaa waxaa dadka ku geeriyooday ay ku dhow yihiin 200 ruux, halka dadka dhaawaca ahna ay ka badan yihiin 300 oo kale, wali waxaa socda tirakoobka saxda ah, iyadoo meydad hor leh maanta laga soo saaray goobihii qaraxyadu ka dhaceen.
Goobjoog News