U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyey Shirka Looga Hadlay Amniga Guud Ee Dalka

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada ka dhanka ah  Alshabaab iyo abaabullada ay gobollada dalka ay ka bilaabeen shacabka oo taageero ka helaya ciidanka dowladda.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab  iyo xasilinta goobaha laga qabsado , si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada oo sida waxbarashada iyo caafimaadka, kuwaas oo muhiim u ah bulshada deegaannada soo galay gacanta dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ee ku guuleystay xoreynta deeganno badan oo aku sugnaayeen Al-shabaab, , isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo  Al-shabaab.
Goobjoog News