U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Isbitaallada Ku Booqday Dhaawacyada Qaraxyadii Soobe

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii  qaraxyada ahaa ee maalintii sabtida ahaa ka dhacay isgoyska Soobe ee degmada Hodan.
Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Xamse oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah, waxaana isbitaallada ku jira dhaawacyo aad u badan kuwaas oo ka badan 200 oo dhaawacyo ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga ssaarayo Al-shabaab, waxaana uu shacabka ku booriyay in ay garab istaagaan ciidanka oo dagaal kala soo horjeeda Al-shabaab oo ay deegaanno badan ay ka saareen oo dalka kamid ah.
Goobjoog News