U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Caalamaiga ah Ee TICAD8

Sheeko:Caalamka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin, si horumar bulsho iyo isku filnaansho dhaqaale loo helo, isagoo xusay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dunida ka jira ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha bulshada, xili dalka ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada.
“Waxaan jeclaan lahaa in aan qiro, muhiimadda ay leedahay Kaalmada Japan, gaar ahaan, dadaallada kor loogu qaadayo tayada booliiska iyo hay’adaha amniga, bixinta nidaamyada isgaarsiinta ee Booliiska Soomaaliya iyo taageerada warshadaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-nololeedyada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Mudane Xamse ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay taageerada dowladda Japan ee xiligan, si looga miro dhaliyo hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo ee dhinacyada amniga, wax ka qabashada colaadaha, abaaraha iyo isbeddelka cimillada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa mudada labada maalin ee uu socday shirka caalamiga ee TICAD8, kulamo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya.
Goobjoog News