U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Agaasimeyaasha Saxaafadda Madaxabannaan

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa la kulmay Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, tan Caalamiga iyo midda Dowladda oo uu kala hadlay doorka warfaafintu ay ku leedahay dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo ka wacyi gelinta bulshada dhibaatooyinka fikradaha xagjirka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda warbaahinta warbixin ku saabsan wixii Xukuumadda DanQaran u qabsoomay 100-kii maalmood ee la soo dhaafay iyo qorshaha dib u xoreynta dalka iyo howlgallada Al-shabaab ka dhanka  ah ee shacabka iyo ciidamada Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaanno badan ay ku sugnaayeen .
Mudane Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu qirsan tahay ahmiyadda ay leedahay warbaahin xor ah, xilkas ah oo dadkana ugu adeegta si masuuliyad ku jirto, isaga oo ku ammaanay dadaalka iyo xaaladaha khalafsan ee ay ku soo shaqeeyeen, isla markaana ku dhiirigeliyey in maanta oo dalku halgan adag ku jirana loo baahan yahay in warbaahintu ay qeybteeda ka qaadato badbaadinta jiritaanka umadda Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Daud Aweys Jaamac, Xildhibaan Maxamed Ibrahim Macalimow iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jiraan howlgalloa ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ee ku sugan gobollada dalka.
Goobjoog News