U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee tiirka Soomaali heshiis ah oo ka mid ah lixda tiir ee qorshaha Xukumadda Dan Qaran.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaabka dhismeedka guddi hoosaadka iyo qorshe howleedka hortabinta u leh ee horyaalla xubnaha guddiga, kuwaas oo ka shaqeyn doonaa yoolka fog ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, taas oo hal ku dhig u aheyd madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka.
Ra’iisul Wasaare, Xamse Cabdi Barre ayaa faray xubnaha guddi hoosaadka in ay la yimaadaan howl karnimo iyo dadaal dheeraad si looga gun gaaro hirgalinta halbeegyada u degsan, kuwaasi oo uu tilmaamay inay aasaas yihiin xasillooni siyaasadeed iyo in horumar gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulankaan guddiga uu la qaatay ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay hal ku dhig ka dhigatay Soomali heshiis ah, taas oo madaxweyne Xasan uu ku micneeyay in Soomaali heshiis ah oo la helo ay keenayso in la helo Soomaali dunida heshiis la ah xilligii ololihiisa doorashada.
Goobjoog News