U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre  oo sii wada wadatashiyada ku saabsan dhismaha Xukuumadda ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, kadib markii maanta uu golaha shacabka uu ka dalbaday in lasiiyo 10 cisho oo dheeraad ah dhismaha golaha wasiirrada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb-galka horumarka, isagoo xusay in ay yihiin mustaqbalkii dalka, taladooduna ay tahay mid wax tar leh oo lagu kaabayo dowladnimada, xilligaan ayaa waxaa dhallinyada Soomaaliyeed ay wajahayaan shaqo la’aan xoogan oo dalka ka jirta.
Kulanka inta uu socday, ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo dhalinyarada qey-bahooda kala duwan, waxa ay is dhaafsadeen su’aallo ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo, iyo sidii ay fursado shaqo ugu abuuri lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in horay Xamse u sheegay in Dhallinyada ay siinayaan ahmiyad gaar ah iyo fursado.May be an image of 9 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people sitting and indoor
May be an image of 8 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 1 person, sitting, wrist watch and indoor
May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people sitting, people standing, office and indoor
May be an image of 9 people, people sitting and people standing
May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 10 people, people standing, suit and outdoors
Goobjoog News