U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Hey’adda Badbaadada Caruurta

Sheeko:Amniga
Ra’isul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa waxaa uu  ku qaabiley wafdi ka socda Hay’adda bedbaadada carruurta ee Save The Children oo uu hoggaaminayey Agaasime Gobolleedka hay’addaas u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika, Ian Vale iyo xubno kale oo ka tirsan hey’adda Save the Children.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinaayay gaasimaha hay’adda ee Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa, Maxamud Maxamed iyo Maxamed Cabdiladiif, waxaa diiradda lagu saaray intii uu socday arrimo khuseeya hawlaha samafal ee hay’addu ka hayso Soomaaliya, gaar ahaan daryeelka iyo bedqabka carruurta xilligan abaaruhu jiraan.
Kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay Soomaaliya ka jiraan abaaro kuwaas oo saameyn badan ku yeeshay caruur badan oo xilligaan wajahaya nafaqo darri aad u baahsan, waxaana isbitaallada hooyada iyo dhallaanka joogo caruur lagala tacaalayo nafaqo darri ka dhalatay abaarta iyo gaajada daran ee ka dhalatay.
Goobjoog News