U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Maamulka Puntland Kaga Digay Fashilinta Barnaamijka Deyn Cafinta

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo  ka qeyb-galayay munaasabad ka qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka xilligaan ku jiro.

Ra’iisulwasaaraha ayaa dul istaagay khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland, kaas oo gaaray meel sare, waxaana muddooyinkii dambe jiray in dhinacyadu warbaahinta isku mariyeen hadallo adag oo badnaa eedeyn, Xamse ayaa xusay in maamulka Puntland madaxdooda looga baahan yahay wadasheyn cad.

Ra’iisulwasaare Xamse ayaa shacabka Puntland iyo Maamulka ugu baaqay in aysan dib uga soo laaban halkii ay ka joogeen dowladnimada iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaana uu intaas ku daray in ay yihiin bulsho ku suntan in ay qeyb weyn ka qaatay sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federalka ah.

” Maamulka Puntland iyo dowladda Puntland meesha ay ka jiigaan dowlad dhiska Soomaaliya ma ahan mid u qalanta, hormuudnimo ma ahan, meeshii la rabay in ay istaagaan ma ahan, meel aan u qalmin ayey taagan yihiin waxaan rabnaa iney  hormuud ka ahaadaan Qarankaan dhisiddiisa iyo dhisidd socota ee Soomaaliya, maamulka Puntland iyo dowladda Puntland, waxaan rabnaa  ineysan shacabkaas kasoo celin taariikhdiisa” ayuu yiri Xamse.

Xamse Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in wadashaqeyn la’aanta wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dowladda dhexe ay sababi karto inuu burburo barnaamijka Deyn Cafinta, kaas oo soo socday muddo dheer, waxaana uu ku dhuftay carabka inaan arrintaas aan la aqbali karin in Puntland ay sabab u noqoto, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasaaradaha maaliyadda waa ay wadashaqeeyaan marka laga reebo Puntland, wadasheyn yar oo xafiis la isugu yimaado oo Punland ay ka maqan tahay haddii ay u fashilanto yaa mas’uul ka noqonaaya? Shacabka Puntland Mas’uul kama noqonaayaan ee maamulka ayaa mas’uul ka noqonaaya, ma mudnid taariikh madow in ay ku qoranto Puntland, in la yiraahdo Deyn Cafiskii waa la fashilmay, yaa fashiliyay Puntland lama qaadan karo”

Hadalka kasoo baxay Ra’iisulwasaare Xamse ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli khilaafka u dhaxeeya adaxda dowladda dhexe iyo maamulka Punland uu gaaray meel sare oo waxaana, jirta cabsi laga qabo in wadashaqeyn la’aanta dowladda iyo maamullada ay dib u dhigto barnaamijka Deyn Cafinta oo muddo dheer soo socday.

Goobjoog News