U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Magacaabay Guddiga Soo Celinta Hanti-da Qaran

Sheeko:Amniga
Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Xubnaha Guddiga Tira-koobka, soo celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta Hantida Qaranka ee uu magacaabay,waxaana ay ka booban yihiin 8 xubnood, kuwaas oo kala ah Wasiirrada ka tirsan xukuumadda Garyaqaanka guud iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Madaale.
Xubnahaan ayaa waxaa ka mid ah:
1: Abshir Cumar Haruuse wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xubin.
2; Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  xubin.
3: Jibriil Cabdirashiid Xaaji Wasiir Wasaaradda Ganacsiga  xubin.
4: Ismaaciil Cabdirashiid Bashiir Wasiirka Wasaaradda howlaha guud xubin
5: Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xubin.
6: Dr. Cismaan Cilmi Guuleed Garyaqaanka Guud ee Qarankaxubin
7: Abshir Maxamed Axmed Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada xubin.
8: Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru-dowlaha Howlaha guud xubin.
Xubnahaan ayaa waxaa ay kasoo shaqeyn doonaan sidii gacanta dowladda dib loogu soo celin lahaa Hantida guud ee qaran, taas oo dalka iyo dibadda ku maqan, waxaana laga sugayaa in xukuumadda ay dib ugu kusoo celiyaan warbixin, iyadoo ay jirto in ddhul iyo guryo dowladeed shacabku dagay markii dowladdu dhacday 1991.
Goobjoog News