U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Magacaabay Wasiirro Cusub

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah ee kala ah:

1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.
Goobjoog News