U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Shaqada Ka Joojiyay Guddiga Maamulka Hay’adda Duulista Hawada

Sheeko:Amniga

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiska lagu  shaaciyay in shaqo joojin lagu sameeyay  guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya HDRS, kadib markii lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay wasiirka koowaad ee xukuumadda Dan Qaran.

Xamse Cabdi Barre Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ayaa sidoo kale faray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iney soo diyaariso, islamarkaana u soo gudbiso Golaha Wasiirradda wax ka badalka sharciga hay’adda si ay ula jaan qaado hay’adaha Duulista Rayidka ee Caalamka, sidoo kalana Xukuumadda ay u soo gudbiso habraaca guddiga maamulka hay’adda, sida lagu xusay qeyb kamid ah nuqulka.

Goobjoog News