U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Sikulul Uga Hadlay Dad Lagu Dilay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Hamza Abdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerar la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dileen dad ku sii jeeday degmada Maxaas, ayna ku gubeen 7 gaari, kuwaas oo siday raashin kale duwan oo ku siijeeday qeybo gobolka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi laga laayay – isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo, isaga oo  sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada deegaanka ee is abaabulay ee ka dagaalamaya Hiiraan.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhacdadaan lagu dilay dadka shacabka ah ee la socday gawaari siday shaashin ku siijeeday degmada Maxaas, ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada xoogga ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan gobolka Hiiraan, iyaga oo la wareegay deegaanno dhowr ah,kuwaas  oo hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Goobjoog News