U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Soo Saaray Go’aanno Ku Qotoma Shaqaalaha iyo Ilaalinta Hantida Qaranka

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda fedralka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa soo saaray go’aanno muhiim ah,kuwaas oo ku qotoma ilaalinta nimaadka shaqada iyo shaqada iyo ilaalinta hantida qaranka, waxaana uu ugu baaqay golihiisa cusub  in looga baahan yahay in sharciyada iyo nidaamyada kale duwan ay ilaaliyaan inta ay ku gudo jiraan waajibaadkooda shaqo.

Qodobada Ra’iisulwasaare Xamse soo saaray ayaa waxaa kamid ah magacaabista saraakiisha sar sare, darajosiintooda,shaqo ka joojinta iyo shaqo siinta  shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, waxaana lagu sheegay inaan la ogoleyn qabashadooda, oo aan waafaqsaneyn shuruucda, dastuurka dalka  iyo sharciga shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda sida lagu xusay qoraalka.

No photo description available.

Goobjoog News