U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Taliska Booliiska Kala Hadlay Amniga Deegaannada Lala Wareegay

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ahmiyadda ciidanka boolisku u leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay in la xoojiyo ammaanka, xiligan ay dalka ka socdaan howlgallo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, kaas oo ka dha ah Al-shbaab.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, hormurmaka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga badbaado cabsi gelinta iyo ficillada gurracan ee argagixisadu maleegayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaare oo tilmaamay doorka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaga aaddan deegaannada laga xorreeyey Al-shabaab  ayaa ku booriyey in kaalintooda sugidda nabadgelyada bulshada ay qaataan, shacabkana laga difaaco kooxahan caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee (Comando Polizia), isagoo warbxinno kaga dhageystay hoggaanada ciidanka. Sidoo kalena booqday xarunta ciidanka ilaalada xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.
Goobjoog News