U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo u Ambabaxay Dalka Masar iyo Ujeedka Safarkiisa

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shir ay isugu imaanayaan wadamada Afrika.

Shir madaxeedkaan ayaa waxaa  looga hadlayaa Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada, waxaana kulankaan soo qabanqaabiyay Bangiga hormirinta Qaaradda Afrika.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.