U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Wasaaradda Awqaafta Kala Hadalay Cabashooyinka Xajka

Sheeko:Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kormeer ku tegay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kula kulmay xarunta Wasaaradda Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Shiikh Mukhtaar Roobow Cali, Guddiga Maareynta iyo Maamulka Xajka, waxa uuna ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan.
Kormeerka iyo kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli maalmihii ugu dambeysay ay soo baxayeen cabasho ay muujinayaan dadka ee ku aadan arrimaha Xajka, waxaana la filayaa in Ra’iisulwasaaruhu waxbadan ka badelo cabashada kasoo gaartay dhanka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xajka.
Goobjoog News