Boris Johnson, ayaa maanta lagu wadaa inuu iska casilo hoggaanka xisbiga Conservative-ka kadib culeys badan oo soo wajahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu Boris Johnson sii ahaan doono ra’isul wasaaraha dalkaasi Ingiriiska ilaa deyrta oo ka bilaaban doonta September.
Afhayeen u hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in ra’isul wasaaraha uu maanta la hadli doono shacabka, isaga oo sharaxi doona arrimo badan.
Wasiirro badan oo uu ku jiro inuu saacadihii tagay u magacaabay maaliyadda ayaa iska casilay xukuumadiisa, taasi oo cadaadis badan ku dhalisay, laakin waxaa muuqata in aanu si sahlan uga tagi doonin jagada ra’isul wasaaraha.
Goobjoog News