U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo Ogolaatay in Hoos Loo Dhigo Qaxootiga

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo Ku Guuleysatay in Xisbigeeda Ka Dhaadhiciso in Albaabada Loo Furayo Xadka, Lana Qaabillo Qaxootiga.

Chancellor Angela Merkel  waxaa ay dooneysa in hoos loo dhigo Qaxootiga dalkeeda soo galaya, arrintaas oo ka dhigan in wax badan iska badaleen aragtida Angela Merkel oo markii hore is aad u xamaasadeysan.

Merkel  waxaa ay aqbashay cadaadis uga yimid xisbigeeda Christian Democratic Union (CDU), Xisbigeeda ayaa dalbaday hoos loo dhigo tirada qaxootiga dalka Jarmalka soo galaya, tirada la filay sanadkan waa 340,000.

Angela Merkel ayaa dhawaan loo doortay qofka Sanadka ee Majaladda Time’s, waana markii ugu horeysay haweeney loo doorto tan iyo markii ugu horeysay 1986.

 “Xiliga aan ka walwalsan nahay dadka, waxaan kaloo fahmi karaa dadka ka walwalsan Mustaqbalka iyo qaxootiga, taasi oo keentay in aan hoos u dhigno qaxootiga”, sidaas waxaa sheegtay Merkel”.

Merkel ayaa lagu eedeeyay go’aankeeda bishii August ee ahaa in Qaxootiga badan oo Suuriya  ka imaanaya.