U bood dhigaalka

Ra’isul Wasaaraha Turkiga Oo Sheegay In Sharafta Recep Tayyip Erdoğan Ay Tahay Sharaftiisa, Kana Dhaxeyso Kalsooni 25 Sano Ah

Sheeko:Dalka

Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Turkiga Ahmet Davutoğlu ayaa Maanta Saxaafadda u sheegay in uu isaga tagayo Xilkiisa guddoomiyaha ururka Cadaaladda iyo Horumarinta oo aanu dib isku soo sharixi doonin.

Ra’isul Wasaaraha Turkiga waxaa uu carabka ku adkeeyay in uu ka tagayo wax walbo oo jago ah laakin aanu marba ka bixi doonin ururka Cadaaladda iyo Horumarinta.

Dhinaca kale, Ra’isul Wasaare  Ahmet Davutoğlu waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan, Sharaftiisa waa Sharafteyda ayuu intaa raaciyay, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in  in ay kala dhaxesyo Saxiibtinnimo iyo kalsooni 25 sano ah.

Hadalka Ahmet Davutoğlu waxaa ay meesha ka saareysaa khilaaf ay qoreen warbaahinta reer galbeedka oo sheegayey in Ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaha Turkiga uu soo kala dhexgalay khilaaf, warbaahintaas ayaa  sidoo kale sheegay in ninka hore uu diidan yahay awoodaha uu ninka dambe isa siiyay, isla markaana uu go’aansaday in uu is casilo.

Goobjoog News,