Ra’isul Wasaaraha dalka Cumar Cabdirashid ayaa jimcihii Istanbul kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Istanbul Ramtane Lamamra .
Xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira siyaasadda ay xiligan mareyso Soomaaliya ayaa ka mid ahaa Ajendayasha labada nin uga hadleen shirka.
Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid waxaa uu horkacayey waftiga dalkeena uga qeyb galay shirka ururka Islaamka halka waftiga Algeria uu horkacayey Guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas Abdelkader Bensalah kaas oo wakiil ka ahaan Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika.
Goobjoog News